Tuesday, July 16, 2013

Awoodaha iyo Qiimaha dumarka

Awoodaha iyo Qiimaha dumarka 

Daawo



Dumarka waa laf dhabarta bulshada , mar waa hooyo waa laf-dhabarta qooska , mar waa xaas waa ra'sumaal ka adoyga iyo caruurta, marna waa abaayo waa gabadha u adeegto qooska ... taasina waa qiima iyo darajo ey ku leeyihiin bulshada oo cadeyneysa dumarka iyo raga waa lawo makhluuq oo Alle abuuray oo midba leeyahay wax Alle uu kaga soocay kan kale  ... Alle subxaanah wuxuu ku yiri Quran ka kariim ka :

وَلَا تَتَمَنَّوْا۟ مَا فَضَّلَ ٱللَّهُ بِهِۦ بَعْضَكُمْ عَلَىٰ بَعْضٍ ۚ لِّلرِّجَالِ نَصِيبٌ مِّمَّا ٱكْتَسَبُوا۟ ۖ وَلِلنِّسَآءِ نَصِيبٌ مِّمَّا ٱكْتَسَبْنَ ۚ وَسْـَٔلُوا۟ ٱللَّهَ مِن فَضْلِهِۦٓ ۗ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ بِكُلِّ شَىْءٍ عَلِيمًا
 (Ha tamaniyina wuxuu kaga Fadilay Eebe Qaarkiin Qaar, Ragga waxaa u Sugnaaday Qayb waxay kasbadeen. Haweenkana waxaa u Sugnaaday qayb waxay kasbadeen Waydiista Eebe Fadligiisa, Eebana waxkaasta waa Ogyahay )

Hadaba waa intee awooda dumarka ? ma sameen karaan waxa raga sameeyaan?

laga yaabee in aad ka maqasheen kuwa ku andacooda in ey u doodayaan in ey xoreeyaan dumarkaa  - Culumada muslimiinta wexey dheheen xuriyada dumarka ma doonayaane ee wexey rabaan xuriyada ey ku gaari lahaayeen dumarka - ku waa wexey dhaheen waxa ey raga sameen karaan dumarkana wey sameen karaa ... run ahaantii Alle wuxuu u abuuray dumarka qaab ka duwan raga .. Alle quraan ka wuxuu ku yiri :

ٱلرِّجَالُ قَوَّٰمُونَ عَلَى ٱلنِّسَآءِ بِمَا فَضَّلَ ٱللَّهُ بَعْضَهُمْ عَلَىٰ بَعْضٍ وَبِمَآ أَنفَقُوا۟ مِنْ أَمْوَٰلِهِمْ ۚ
( Raggaa u taagan (Maamulka) Haweenka, ka Fadilida Eebe Qaarkood Qaar iyo ku nafaqaynta Xoolahooda darteed )

Balse taa macnaheeda ma ahan  in raga ay ka sareeyaan dumarka maxaayeelay ma dhihi karno raga oo idil wey ka fiicanyihiin dumarka balse dumarka qaar ayaa ka fiican raga qaarkood sidoo kale raga qaar wey ka fiicanyihiin dumarka qaar.

waxaa jira wax ey ku fiicanyihiin dumarka oo aanan ku fiicneen raga iyo wax raga ku fiicanyihiin oo aanan ku fiicneen dumarka ,  ileen waa laba bina aadam oo Alle u abuuray in ay caabudaan oo siman. hadaba waxaa fiican in mid kasta uu u daayo wax kan kale ku fiicanyahay.

Dardaaran

marka gabadha muslimada ah waa in ay ogaataa in ey lama huraantahay in ay wax barato si ay u anfacdo bulshadeeda asxaabteeda iyo umadeeda; waayo sida aan horay ugu soo xusay gabdhaha waxay leeyihiin awoodo u gaar ah oo ka duwan wiilasha marka hadii ay waxbarato oo ay sare u qaado xirfadaheeda, garaad keeda waxaa kobcayo maskaxdeeda taasoo ey ka faaidaayaan bulshada ay ka soo jeedo.

Qofka iska dhaadhiciyay gabdhaha maxay wax u baranayaan ?

1.waxaa jira aqoon ku saabsan gabdhaha oo ey aad ugu fiicantahay in ay gabdhaha iyagu bartaan.
2.sida aan siirada ku hayno nabigeena Muxammad Nabad-galyada Alle iyo Naxariistiisa korkiisa ha ahaatee xaasaskiisa wuu la tashan jiri , marka hadii aan gabdhaha waxbaran yaa la tashanayo ileen maskaxda bina aadam ka waxay ku fidsantaa aqoon.

3.marka ey guriyeelato iyada ayaa isku filan oo xalinaysa dhibaatooyin ka soo wajaha.

Related Posts Plugin for WordPress, Blogger...

0 Faalo ka bixin:

Post a Comment

Fadlan ka fiirso waxaad qoreyso garbahaada malaaik ayaa saaran
ما يلفط من قول الا لديه رقيب عتيد faaladaada waa habdhaqan kaaga.

Gali Email-kaaga si aad u hesho wax walboo la soogaliyo web-ka , kuma dhaafi doonaan afkaarta iyo muuqaalada web-ka , imika gali cinwaankaaga sanduuqa hoose ee banaan,kadib riix ku biir kadibna gali nambarada ka soo muuqanaya daaqada markaa riix complete.. kadib gal inbox-kaaga fariin ayaa kuu imaaneysa markaa aktivgaree ku biirida. Tusaale@koshdul.com

Maareeyaha web-ka Ahmed Hassan Koshdul

¨